Wararka

Soomaaliya oo ku guulaysatay gudoomiye ku xigeenka gudigga sharciga hay’adda caalamiga ah ee solar addunka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guulestay kursiga gudoomiye ku xigeenka gudigga sharciga hay’adda caalamiga ah ee solar addunka, kadib dadaallo badan oo ay bixisay Danjiraha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya u Fadhiya dalka India marwo Faaduma Cabdullaahi Maxamuud taas oo dhawaanahaanba waday booqoshooyin ay ku tageysay xarumaha Dawladda India, Hay’adaha caalamiga ah ee degan dalkaan iyo safaaradaha ay Somalia xariirka dhaw leeyihiin, sida kuwa Africa, carabta iyo dowladaha kale ee caalamka.

Kulan guud oo ay yeesheen agaasimaha guud ee hay’adda ISA upendra triphty iyo safiirka Somalia ee India marwo Faaduma Cabdullaahi Maxamuud ayaa waxa looga wada hadlay sida looga fa’iideysan karo tamarta cadceeda Somalia iyo in dalka ay tagaan Khuburo ka socda ISA sido kale in dalka somalaia ka sameyaan mashruca looga faa’iidaysanayo keydka Qoroxda, ka dibna loo badalo hab koronta ah iyo in ay tababaro usameyaan dadka Soomaaliyed, si ay waxbadan uga faa’iideystaan.

Ugu dambeyn kulanka Danjire Faadumo ay la yeelatay Agaasimaha guud ee ISA ayaa ku dhammaaday Isfahan iyo wada shaqayn, waxa ay safiirka iyo u qaybsanaha ganacsiga iyo warashadaha Safaarada Somalia ee dalka India ay halkaasi ku abuureen geed sharafeedka Somalia, maadaama ay xubin ka yihiin ISA.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close