Wararka

Soomaaliya oo ka mid noqotay heshiiska ilaalinta hiddo-dhaqameedka iyo goobaha taariikhiga ah ee UNESCO.

Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka mid noqotay heshiis-yada UNESCO ee 1972 iyo 2003 ee la xiriira ilaalinta hiddo-dhaqameedka iyo goobaha taariikhiga ah.

Saxiixa ka mid noqoshaha heshiiskaan ayaa yimid ka dib markii safiirka Soomaaliya ee dalka France Ahmed M.Haji iyo U-qeybsanaha UNESCO Abdiqani Ahmed Abdullahi ay si rasmi ah ugu wareejiyeen Agaasimaha guud ee UNESCO Audrey Azoulay nuqulka asalka ah ee aqbalaadda Soomaaliya ee ka mid noqoshada dalalka xubnaha ka ah hashiisyadaasi, taasi uu saxiixay Madaxweynaha JF Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ka shaqeyneysaa ilaalinta, badbaadinta iyo horumarinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee hodanka ah, ee ka turjumaya taariikhda faca weyn iyo sooyaalka bulshada Soomaaliyeed.Image may contain: one or more people and people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close