Wararka

Soomaaliya oo guddoontay shixnaddii labaad ee agab caafimaad oo ay ku deeqday Dowladda Shiinaha.

Dowlada Shiinaha ayaa shixnadii labaad soo gaarsiisay Soomaaliya taas oo ka koobneed kaalmo agab caafimaad oo looga hortagaayo xanuunka Koroona feyrus. agabkaan ayaa ka koobneed maaskaro, galoofyo, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka baaridda-caafimaad iyo dharka ilaalinta leh ee loogu talogalay in ay ku labistaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka warbixiyay deeqdaan ayaa sheegay in dowlada Shiinaha ay ka mid tahay dowladaha saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegay in dhawaan la filaayo in garoonka diyaaradaha Aadan Cade ay ka soo caga dhigtaan diyarada kale oo wada kaalmo caafimaad.

“Deeqda caafimaad ee dowladda Shiinaha waxa ay ka qeyb tahay xiriirka taariikhiga ah iyo midka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya, waxaana la filayaa in gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ay soo caga dhigtaan duulimaadyo kale oo sida kaalmooyin caafimaad oo muhiim ah oo ka kala imaanaya Dowladda iyo Hey’adda Jack Ma” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba, si la mid ah waxa ay labo shixnadood kale ka heshay Dowladda Shiinaha.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 928 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 106 ruux oo bogsatay iyo 44 ruux oo u geeriyootay.No photo description available.No photo description available.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close