Wararka
Soomaaliya oo dib ugu laabatay Ururka Bariga Afrika ee la dagaalanka Ayaxa.
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaalanka Ayaxa oo ay saldhigiisu yahay Magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Wasiirka Beeraha iyo waraabka xukuumada federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid iyo Agaasimaha guud ee ururka Ladagaalanka Ayaxa Dr. Stephen ayaa kala saxiixday heshiiska ay Soomaaliya dib ugu laabatay ka mid ahaanshaha urukaas.
Wasiirka Beeraha iyo waraabka xukuumada federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo sharaxay faa’iidada Soomaaliya ugu jirta dib ugu biiridda Ururka Bariga Afrika ee la dagaalanka Ayaxa oo ay ka maqneyn muddo 28 sano ah.
Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskaan uu kusoo aaday xili qaybo kamid ah gobolada dalka uu soo gaaray ayax faraba’an ku haayo dalaga iyo doogga xoolaha waxaa uuna sheegay in ururka uu waxbadan ka qaban doona arrinkaan.
Ogolaanshaha in dowlada Soomaaliya ay urukaan dib ugu laabata kadib muddo 28 sano ah ayaa sahashay kadib markii ay dowlada bixisay qaaraankii lagu lahaa mudadaasi.