Wararka

Soomaaliya oo deeq agab caafimaad ka heshay Imaaraatka si looga hortago faafidda xanuunka Koroona feyrus.

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho kula wareegtay shixnad agab caafimaad oo 23.4 tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro , dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay kaalmadaan la soo gaarsiiyay waxaa ayna sheegtay in ay tahay haddiyad muujinayso wanaaga ka dhaxeeyo labada dal iyo labada shacab.
“Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah”. ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Hamza Said Hamza iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abdulkadir Ahmed-khair Abdi.Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, living room and indoorImage may contain: 1 person, sitting, living room, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: sky, aeroplane, cloud and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close