Wararka

Soomaaliya oo ansixisay biirista iyo xubin ka noqoshada Sharciga Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka Musuq.

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya,  ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 oo ay soo gudbisay wasaaradda caddaalada xukuumada federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale ajandayaasha kulanka  Golaha Wasiirada waxaa kamid ahaa ku biirista iyo xubin ka noqoshada Sharciga Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka Musuqa ee loo yaqaano (UNCAC Ratification) iyo midka Midowga Africa ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa kaasoo la saxiixay 23-kii bishii February 2006 una baahanaa in loo gudbiyo Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federlaaka Soomaaliya. Dood dheer ka dib Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ku ansixiyey cod aqlabiyad ah saxiixidda iyo ku biirista labadaas heshiis.

Wasiirka caddaalada ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuqmaasuqa, sidoo kalana sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close