Wararka
Soomaaliya oo 30-sano kadib heshiis muhiim ah la saxiixatay Bangiga Aduunka.

Soddon sano kadib, dowlada federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis ku saabsan Xiriir-wanaajinta iyo dub-u-soo laabashada Soomaaliya ee Wadashaqeyntii tooska aheyd ee Bangiga Aduunka.
Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo saxiixay heshiiskaan ku saabsan Xiriir-wanaajinta iyo dub-u-soo laabashada Soomaaliya ee Wadashaqeyntii tooska aheyd ee Bangiga Aduunka ayaa sheegay in maalinkaan ay muhiim u tahay Soomaliya iyo Bangiga Aduunka.
“Waxaa sharaf iyo farxad inoo ah inaan maanta saxiixo Heshiisyadii ku saabsanaa #Xiriir_wanaajinta iyo dub-u-soo laabashada Soomaaliya ee Wadashaqeyntii tooska aheyd ee Bangiga Aduunka. Maalintaan taariikhiga ah waxay muhiim u tahay Soomaliya iyo Bangiga Aduunka, waayo 30-Sano iyo dadaal badan kadib Soomaaliya waxay si rasmi ah uga faa’ideysan doontaa Deeqaha iyo Mashaariicda horumarinta Bangigu uu bixiyo” ayuu Yiri Wasiir Bayle.
Wasiir Bayle ayaa sidoo kale sheegay in tani ay tahay bilow wanaagsan balse aysan halkaan ku ekeen doonin oo ay sii laba jibaari doonaan dadaaladooda ku aadan in Soomaaliya ay gaarto isku filnaasho buuxda iyadoo ka faa’ideysanayso kheyraadka dalka.
“Wadadii dheereyd ee isbadalka Maaliyadda iyo dhaqaalaha halkaan kuma ekaandoonto, maanta waa biloow wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ah uu ku farxikaro balse isma dhigan doono, howshuna way sii soconaysaa ilaa aan ka gaarno isku filnaasho buuxda, inagoo ka faa’iideysan doona kheyraadka Dalkeena” ayuu Sii raaaciyay hadalkiisa wasiirka.