Wararka

Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis wax wadaag ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Mugdisho ku saxiixay heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.

Agaasimaha guud ee FBA Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal.

Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay.

Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close