Wararka

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ku saabsan EUCAP Somalia.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta oo Axad ah ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee awood dhisidda tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez.

Heshiiska ayaa waxa uu qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimka u leh qorshayaasha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa waxa ay tilmaameen horumarka xiriirka iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco.Image may contain: 3 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, living room, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, living room, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close