Wararka

Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo tacaddiyada loo geysto Haweenka.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka socdo Xarunta Qaramada midoobay ee Magalada New York.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Haweenka Adduunka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka hoggaamineed ee Haween weynaha Caalamka, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Saddex Cisho ah, waxaana Soomaliya u matalaya Senetor, Muno Cumar Xasan iyo Sen ,Hodan Muxamuud Cusmaan.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loogu gaashaaman karo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa kuwa loo geysta gabbood fallada kala duwan ee ay Bulshada dhexdeeda kala kulmaan Dumarka.

Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxana lagu wadaa in ay Xildhibaannada Aqalka sare ee kulankan ku sugan ay soo bandhigaan tacaddiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.   Soomaaliya oo muddo ku dhow Soddon Sano ay jiraan dagaallo sokeeye iyo Colaado ayaa ka mid meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada loo geysto Haweenka, sida Kufsiga, dilalka, Gudniinka fircooniga IWM.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close