Wararka
Soomaali ku xanibneed Turkiga oo maanta dalka dib ugu soo laabanaayo.
Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa maanta fursad u helay in ay dalka dib ugu soo laabtaan kadib muddo ay ku xayirnaayeen dalka Turkiga.
Muwaadiniintaan ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ayna Tiro ahaan gaaraayaan 94 qof iyagoo dhamaantoot ku wajahan magaalada Hargaysa ee caasimada maamulka Somaliland.
Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Ceydiid ayaa uga mahad celiyey dhammaanba dhinacyadii ka qayb qaatay dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dowlada Soomaaliya ayaa waddo dadaala ay dalka dib ugu soo celinayso shacabka Soomaaliyeed eek u xayiran dalalka caalamka sabab la xariira xanuunka Coronaviruska iyadoo horay sidaan oo kale dalka ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed.