Wararka

Soomaaiya oo sheegtay in dhawaan ay bixin doonta shatiyo Shidaal oo gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorshaynayso Bisha Disember ee Sanadkan in ay bixiso shatiyo Shidaal oo gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil sida uu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashid Maxamed Axmed.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa hadalkaasi u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters xili uu Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika kaga qeyb galaya shirka Shidaalka iyo Gaaska ee Afrik.

Sahankii dhowaan laga sameeyay 15 xirmo ayuu sheegay Wasiirku in uu ku jiro Shidaal qiimahiisu gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil, kaas oo fursado shaqo u noqon doona Dhallinyarada, Gacanna ka geysan karta in da’ yartu aysan ku biirin kooxaha Burcad badeedda.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close