Wararka

Soogalootiga reer Venezuela oo hooy ka dhigto geedaha Magaalada Bucaramanga ee dalka Colombia.

Caasimada Bucaramanga ee dalka Colombia ee xaduudka la ah dalka Venezuela ayaa hooy u ah malaayiin soo galooti reer Venezuela ah kuwaas oo hoy ka dhigta wadooyinka magaaladaasi iyo geedaha waddooyinka dhinacooda ka baxa.

Richad alvares waxaa uu kamid yahay soo galootiga reer Venezuela ee hooyga u yahay waddooyinka iyo geedaha magaalada Bucaramanga waxaa uuna ka warbixinayaa habka uu ugu nool yahay geed uu hooy ka dhigto.

“ goobtaani waxaan jiifay muddo afar bilood ah. Wax qoyaan ah igama soo gaaro mahaddaasi allah ayay u sugnaatay. Si wanaagsan ma dareemaayo waayo waxaan seexdaa waddada. Inkastoo aan seexdo geed kaas oo ka amaan badan jiifka dhulka. sida ay sameeyaan dad badan oo reer Venezuela ah, caruurta iyo dumarka uurka leh ayaa seexdo waddooyinka” ayuu Yiri Richad alvares.

Sida laga soo xigtay hay’adda qaramada midoobe, ku dhawaad 4.5 milyan oo reer Venezuela ah ayaa isaga soo baxay dalkaasi ka dib dhibaatooyinkii dalkaasi ka bilawday sanadkii 2015-kii.

Illaa 1.6 Milyan oo mu haajiriin reer Venezuela ah ayaa la sheegaa in ay ku nool yihiin dalka Colombia sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalkaasi bishii October ee sanadkii tagay ee 2019.

Soogalootiga reer Venezuela oo hooy ka dhigtay geedaha Magaalada Bucaramanga ee dalka Colombia

Soogalootiga reer Venezuela oo hooy ka dhigtay geedaha Magaalada Bucaramanga ee dalka Colombia

Posted by TUSMO TV on Tuesday, 14 January 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close