Wararka
Somalind oo shaacisay in uu hoos u dhac ballaaran ku yimid kiisaska la xeriira xanuunka Covid-19.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Soomaaliland DR.Maxamed Cabdi Hargeye oo maanta ka hadlayey warbixinta maalinlaha ah ee Cudurka COVID-19 ayaa sheegay in ay hoos udhacday tirada dadka uu soo ridanaayo cudurkaani.
Baaritaano lagu sameeyay 20 Qof ayaa xanuunkaani laga helay 2 qof, sidoo kalena bukaan la ildarnaa xanuunka uu uga Geeriyooday Magaalada Boorama sida laga soo xigtay wasaarada caafimaadka Somaliland.
Agaasimaha ayaa sheegay in labada qof ee laga helay cudurka ay joogaan magaalada Hargeysa, ayana Rajo wanaagsan ka qabaan in maalmaha soosocda ay sarey ukici doonto Dadka ka bogsooday Covid-19.