Wararka

Somaliland oo kasoo hor jeesatay Diyaarada la doonaayay in ay ka buufiso Ayaxa.

Xukuumada Somaliland ayaa ka soo horjeesatay  tallaabada dowladda fadaraalka  Soomaaliya ay ku shaacisay in ay ku buufinayso Ayaxa ku habsaday deegaano ay Somaliland ka mid tahay.

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo shir saxaafadeed ku qabtay magalada Hargaysa ee  xarunta maamulkaasi Somaliland ayaa Ku Goodiyey in Hadii Diyaradahasi deeganada Somaliland Soo gasha wixii ka yimaado masuuliyadeeda ay qaadanayso Dawlada fadaraalka Soomaliya.

Wasiirka ayaa nasiib daro ku tilmaamay diyaradaha dowlada Soomaliya ay sheegatay in ay udirayso deegaano ka tirsan Somaliland oo sameyn xoog leh ku yeshay Ayaxa waxana uu shaaciyey in Somaliland ay diyarado ka buufiya Ayaxa ay usoo socdaan islamarkaana aysan dowlada Soomaliya ka dooneyn in ay diyarado usoo dirto

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close