Wararka

Somaliland oo Gargaar soo gaarsiisay Muqdisho.

Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Baladweyne ee Somaliland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 600,000 oo dollar (Lix boqol oo kun oo Dollar) soo gaarsiiyay caasimada Muqdisho.

Masuuliyiintaan ayaa markii ay soo gaareen Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay Guddi isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo ganacsato uuna hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Dastuurka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa boggaadiyey in dadka walaalaha ee Soomaaliya iyo reer Somaliland ay is caawiyaan, taasina ay muujineyso sida dadka Soomaaliyeed ay ugu weyn tahay Soomaalinimada.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka fataadaha Baladweyne ee Somaliland, Jamaal Ceydiid Ibraahim ayaa sheegay in dhaqaalahan ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo madaxda Somaliland si ay u garab istaagaan walaalahood ay fataahaduhu saameeyeen ee reer Baladweyne.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in gurmadka dhaqaale ee shacabka reer Somaliland uu muujinayo sida weli labada shacab ay isu jecel yihiin, loona baahan yahay in madaxdu ay ka faa’iideysato midnimadaas.Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, suit and beardImage may contain: 1 person, smiling, standingImage may contain: 1 person, standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close