Wararka
Somaliland oo digniin u dirtay Ganacsatada sare u qaaday sacirka Raashinka.

Xukuumadda Mamulka Somaliland ayaa soo saartey amaro cusub oo ku wajahan Ganacsatada kor uqaadey sacirka lakala siisto raashiinka quutul daruuriga sababo la xariira xiritaanka la xiray xuduudaha mamaulkaasi Somaliland cabsi laga qabo Cudurka Corona Viruska.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlayey magalada Hargaysa ee xarunta mamalkaasi Somaliland ayaa shaciyey in talaabo adag ay ka qaadi doonan ganacsadihii ay ku qabtaan isgaoo qiimo xad dhaaf ah ka qadaya maciisha sidoo kale waxa uu digniin udiray ganacsatada iibisa dawooyinka.
Maamulka Somaliland ayaa xayiray dhamaan duulimaadyadii kaga imaan jiray Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo dalalka caalamka si gaar ah kuwa uu saamaynta ba’an ku haayo.