Wararka
Wafdi kasocday xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka Gadoon.
![](https://www.tusmotv.so/wp-content/uploads/2019/11/75485164_2749935868400521_4219020574715805696_o-780x405.jpg)
wafdi ka socday xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa maanta gaaray deegaanka Gadoon ee gobalka Galagaduud.
wafdigaan ayaa sidoo kala waxaa wehlinaayay saraakiisha ciidamada qalabka sida waxaana deegaanka Gadoon ee gobalka Galagaduud kusoo dhaweeyay boqolaal Qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaasi Gadoon.
wafdigaan ayaa horay u tagay deeganada Hurshe iyo Xeraalle halkaas oo dhawaan ra’iisal wasaare Khayre uu kale dhex dhigay waan waan nabadeed waxaa ayna halkaasi ku tageen sidii ay u kormeeri lahayeen waxyaabihii ka hir galay heshiiskii nabada ee la kala dhex dhigay beelaha walaalaha ah ee deganadaasi wada dago.