Wararka
Siihayaha wasiirka Caafimaadka Hirshabelle oo dowlada ka codsaday Gurmad Cafimaad.

Siihayaha wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabelle Ismaacil Cabdi Qaasim ayaa dowlada federaalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ka codsaday in ay la soo garaan agabka caafimaad ee looga hortago fayraska faafa ee Corona.
Ismaacil Cabdi Qaasim ayaa sidoo kale Culama’udiinka Hirshabelle ku booriyay in ay sii laba jibaaraan Quraan Akhriska si xanuunkaan uu Alle ugu dul qaado Shacabka Soomaaliyeed.
Siihayaha wasiirka Caafimaadka Hirshabelle ayaa xiliga uu xaaladdaan cusub ee Covid-19 ka hadlaayay waxaa uu kormeer ku tagay xarunta lagu karantiilo oo lagu dabiibo dadka uu soo ritay coronavirus.