Wararka
Siihayaha Ra’isal wasaraha dalka oo kormeeray Xabsiga dhexe.

Siihayaha xilka ra’isal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuled Khadar ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga Dhexe ee Muqdisho isagoo u kuur galay xaalada maxaabiista iyo xabsigaba.
Markii uu gaaray xabsiga dhexe ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Taliska Asluubta oo warbixin guud ka siiyay hannaanka horumarinta & daryeelka maxaabiista.
Siihayaha xilka ra’isal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuled Khadar ayaa sheegay in ay dowlada sii wadi doonta howlaha lagu hagaajijanaayo xaaladda xabsiga.
“Waxaan maanta kormeeray xabsiga Dhexe. Taliska Asluubta ayaa warbixin guud iga siiyay hannaanka horumarinta & daryeelka maxaabiista, si bulshada ay ugu soo laabtaan iyaga oo anfac u leh naftooda, ehelkooda & dadka. Waxaa la sii wadaya howlaha lagu hagaajijanaayo xaaladda xabsiga”. ayuu yiri Mahdi Guleed.