Wararka
Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo kormeer ku tagay Garoonka Stadium Muqdisho.
Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Ibraahim Cumar Mahad- Alle (Ibraahim Dheere) iyo Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyigilinta Maamulka G/Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakett) ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Stadium Muqdisho.
Kormeerka ay masuuliyiintaan ku tageen Garoonka Stadium Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili ay kasocotay Dayactir aad u balaaran Oo lagu soo celinayo Bilicdii U lahaa Bariisamaadkii.
Ibraahim Cumar Mahad- Alle (Ibraahim Dheere), Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Oo ka hadlay kormeerka ayaa sheegay in maamulka G/Banaadir ay ka go,an tahay in uu wax ka qabto ka shaqeeynta meelaha muhiimka u ah Bulshada.