Wararka

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Xariga Ka Jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 Ee Isbitaalka Banaadir

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarigga ka jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo loo qalabeeyay si casri ah.

Wasaaradda caafimaadka dalka iyo shirkadda Hormuud ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo laga hirgeliyay gudaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban afar qeybood ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu darantahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn.

Dib u dhiska iyo qalabeynta Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa qayb ka ah dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso hannaanka caafimaadka dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close