Wararka
Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka oo guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka.

Sii hayaha Ra’iisulwasaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay horumarada kala duwan ee u qabsoomay dowlada Soomaaliya iyadoo markii uu soo dhamaaday shirka uu warbaahinta ugu warbixiyay Sii hayaha Ra’iisulwasaraha Mahdi Mohamed Guleed Khadar.
Wakiilada Beesha caalamka ee kulankaani ka soo qayb galay ayaa dhankooda ka aragti dhiibta halka ay u marayso hoolaha loo soo egmaday iyo sida ay wax u socdaan.