Wararka

SIi hayah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa maanta garay magaalada Balcad

Wafdi uu hogaaminayo sii hayah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa maanta garay magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe isagoo dhagax dhigaan dugsi sare oo qeyb-ka ah mashruuca horu-marinta waxbarashada.

“Waxaan maanta safar dhulka ah ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana kasoo dhagax dhigay Dugsi Sare oo lagu baran doono Cilmiga Beeraha. Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo shacabka degmada oo si diirran noogu soo dhaweeyay” ayuu yiri godax barre.

Wafdigaan waxaa qeyb-ka ah, wasiiro ka tirsan xukuumada Hirshabeele,Guddoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Axmed Meyre makaraan iyo xubno kale.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa dhawaan dhagax-dhigay goobo waxbarasho oo laga hirgaliyay Baardheere ,Garbahaareey iyo Dooloow Soomaaliya

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close