Wararka

sidee u dhacay dilkii gudomiyihii Dagmada Hodan, maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa kiiska maanta dhagaysatay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa billowday dhageysiga Eedeymaha rag loo haysto dilka AUN Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Xeer Ilaaliyaha ciidamada Qalabka Sida Abdullahi Bule Kamey ayaa maxkamada ka hor jeediyay eedaha loo haysto 7 ruux oo edeysanayal ah.

Abulate Abdullahi Macalin Muxiyadiin oo ahaa qareenka difayay eedeysanayaasha ayaa maxkamada ka hor jediyay cadeymaha uu hayo dhankisa.

ugu danbeyn Guddomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa soo xiray dhagaysiga kowaad ee kiiska dacwada Dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close