Wararka

Sidee ayuu u dhacay dilka Guddooomiyihii degmada Hodan?

Waxaa la dilay guddoomiyaha isaga oo saacada koban jogay dalka, ka soo bogsaday Qarax ay u gaysteen Al-shabaab, kuna han-weynaa u adeegsita shacabkiisa.

Alla u naxariistee waxaa xalay Saqdii dhaxe  geeriyooday Guddoomiyihii Degmada Hodan ee gobolka Banadir Cabdikariim Dhagajuun.

Geerida ku timid Guddoomiyaha ayaa ka danbeysay ka dib is rasaaseen dhex martay Ilaaladiisa iyo ciidamada Amniga sida aan ka soo xiganay maamulka Gobolka Banadir.

Sidoo kale laba askari ayaa ku dhaawacantay is rasaaseyntaasi oo hadda xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa cisbitaallada casimada Muqdisho.

Alla u naxariistee Cabdikariim Dhagajuun ayaa galinkii danbe ee arbacadii shalay ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Adan Abduule ka gadaallo  safar caafimaad oo uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Al-shabaab ayaa horay kolanyo uu la socday Cabdikariim waxaa ay qarax kula beegsadeen wadada 21-ka October ee Muqdisho dhamaadka bishii November, 2020.

Balse Qoraal uu soo dhigay barta uu ka leeyahay mareegta facebook, ayaa waxaa uu ku sheegay in uu caafimaadkiisa soo dhamaystirmay oo uu dib u bilaabay u adeegistay Shacabka Soomaaliyeed.

“Bismilaah Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaa maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caamaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caamaad aad ayeey u wanaagsan tahay,” ayuu yiri waxaa uuna hadalkiisa sii raaciyay “Argagixisada mar kasta waxa ay isku dayaan in Bulshada Somaliyed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah”.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir Cali Yare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku soo koobay “INAALILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN NAXDIN WAYNAA CAAWA”.

Guddoomiyaha ayaa hadalkaas soo daba dhigay qoraal kale oo aan sidaas u faahfaahsaneen balse dadka ay siyaabo kale duwan u fasirteen kaas oo ahaa sida tan” TANI GEERI KALI AH MA AHAN EE WAA GAM.

Dadka isticmaalo baraha bulshada ayaa dilka guddoomiyaha ku micneeyay mid qorshaysan hasayeeshe dowlada wali kama aysan hadal talaabadda ay qaadayso si caddaaladda loo hor keeno askartii dilka gaysatay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Xidlhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo Xildhibaan Khadija Mohamed Diriye ayaa si isku mid ah ugu tacsiyeeyay ehelkii iyo asxaabtii kuu ka baxay Allah u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Hodan.

Isla shalay ayuu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir isaga oo faray in la dardargeliyo sugidda amniga guud ee dalka, xiligan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashooyinka.

Tags
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close