Wararka

Side ku dhacday in lahelo lo’ in muddo ah maqneed kadib markii uu daad qaaday?

Sida uu xaqiijiyay masuul u hadlay beerta xoolaha lagu xanaaneeyo ee seashore park ee ku taasha waqooyiga Carolina, ayaa waxaa uu sheegay in dib loo helay seddex neef oo lo’ ah, kuwaas oo raacay daadka duufaan bishii September ee sanadkaan ku dhufatay waqooyiga Carolina.

Intii ay duufaantaasi socotay ayaa waxaa ay qaaday xoola aad u tiro badan oo isugu jiray faraddo, iyo lo’ balse waxaa cajiib noqotay in dib loo helay seddexdaan neef ee lo’da ah kuwaas oo noolal loogu tagay meel fara miles u jirto beerta xoolaha lagu xanaaneeyo ee seashore park.

Horvat oo ah masuulka u hadlay beerta xayawaankaani ku dhaqnaayeen oo waraysi siiyay Tv-ga CNN ayaa sheegay in tirade guud ee lo’da uusan hayn balse ay jiraan kuwa badan oo daadka qaday kadibna sidaasi ku dhintay.

Lo’da ayaa kamid ah xayawaanka uu Allah haybadda u siiyay dabaasha waxaa ayna dabaalan kartaa in muddo ah iyadoon wax Qatar ah soo wajihin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close