Wararka
Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada oo manta Muqdisho ka furmay.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana aan ku lahayn Fikirka Xagjirka.
Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka,30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado.