Wararka
Shirkii wadatashiga Qaranka oo Natiijo la’aan ku soo dhamaaday iyo dowlada oo fashilka ku yimid shirka dusha ka saartay Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa Natiijo la’aan ku soo dhamaaday shirkii wadatashiga qaranka ee looga hadlaayay arrimaha doorashada Qaranka ka dib markii uu wasiirka warfaafinta warbaahinta u sheegay in uu shirka ka socon waayay maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Wasiirka warfaafinta XFS Cusmaan Abukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan dooneyn doorasha dalka ku dhacdo iyada oo la raacaayo heshiiskii 17-ka September. https://www.facebook.com/TUSMOTV.SO/videos/764930144159248