Wararka

Shirkii ugu horeeyay oo lagu wadaagaayo xogta Kalluumeysiga dalka oo lagu qabtay Mugdisho.

Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka waxaa maanta lagu qabtay shirkii ugu horeeyay oo lagu wadaagayo xogta Kalluumeysiga dalka iyo Kheyraadka badda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda FAO qaybteeda Kalluumeysiga.

Shirkan xog uruurinta ee u dhaxeeya wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda iyo wasaaradaha Kalluumaysiga ee dowlad goboleedyada dalka , waxaa iyana ka soo qaybgalayaasha shirkan kamida ahaa GEEL, GIZ , FAIR FISHING , SECURE FISHERIES , Iskaashatooyinka gobolka Banaadir iyo Jaamacadda City kuwaa oo iyagana la wadaagay xogta ay ka hayaan Kheyraadka badda .

Kulankan oo uu furay agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda mudane Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa socon doono mudo labo maalin ah 20-21 -2019 , waxaan inta uu socdo la isla meel dhigi doonaa xogta saxda ah ee Kheryaadka badda dalka oo mudo xog uruurin lagu samaynayay waxaana maalinta berito ah soo xiri doona shirkan wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame .

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close