Wararka

Shirkii ka socday Afsiyooni oo soo dhamaday.

Waxa hadda soo gebegeboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo illaa saaka 9kii subaxnimo ka socday Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Shirka oo uu furay, guddoomiyeyna Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayna ka soo qayb-galeen dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagaga wada hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka qaranka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo.

“Shirka oo maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe ee Golaha Wadatashiga iyo dardar gelinka doorashooyinka wuu sii socon doonaa, waxaana la isugu soo laaban doonaa berri subax” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay dowlada federaalka Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close