Wararka
Shirkii 70aad ee Madaxda Gaashaanbuurta NATO oo ka qabsoomay London.

Waxaa Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ka qabsoomay Shirkii 70aad ee Madaxda Gaashaanbuurta NATO kaas oo looga hadlaayay arrima dhowr ah oo ay kamid tahay Howlgalkii Dowladda Turkigu ku qaaday tuulooyin ku yaala gudaha dalka Syria kaas oo dalalka Ururka ku jira ay ka caroodeen.
sidoo kale qodobada shirka intii uu socday looga hadlay waxaa kamid ahaa weerarada dhanka Internet-ka ah ee China iyo hadal muran weyn ka dhex dhaliyay Ururka oo uu jeediyay Madaxweynaha France kaas oo ahaa in NATO maskax ahaan u dhimatay.
Madaxda Shirka oo ka kooban 29 xubnood ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda ay tahay in wada jir la ahaado isla markaana la xaliyo khilaafaadka haatan ka dhex jira Gaashaanbuurta.
Shirkii 70aad ee Madaxda Gaashaanbuurta NATO ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo iyadoo ugu danbeyn laga soo saari doona war-murtiyeed si wada jir ah.