Wararka
Shirkadda Uganda airline oo bilawday duulimaad Toos ah.
Xaflad lagu daahfuraayay duulimaadka tooska ah ee ay diyaaradda Uganda airline ka bilowday dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Osmaan waxaana kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre, wasiiru dowlada wasaaradda arrimaha dibadda Safiirka Uganda u fadhiya Muqdisho,Safiirka Uganda u fadhiya Muqdisho, ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kampala iyo masuuliyiin kale.
Wasiiru dowlada wasaaradda arrimaha dibadda oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay dowlada sharaf u tahay in qaar kamid ah shirkadaha duulimaadka ay bilaabeen duulimaad toos ah oo ay iskaaga kala gooshiyaan dalal taas oo uu ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u tahay guul u soo hoyatay.
Safiirka Uganda u fadhiya Muqdisho oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Uganda ay ka qayb qaadan doonta horumarka Soomaaliya ayna sii wadi doonta wada-shaqeynta ay la leedahay dowlada dhexe.