Wararka
Shirkadda Hormuud oo ku guulaysatay Abaal marin.

Shirkadda Isgaarsiinta dalka ee Hormuud ayaa xalay ku guulaysatay abaal marin ay soo agaasinta madasha Abaal gud oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socotay dowlada Federaalka, shacab iyo marti sharaf kale.
Qaar kamid ah xildhibaanada dalka oo munaasabadda hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in wax lagu dhiirada ay tahay in shirkadaha u adeega shacabka Soomaaliyeed la guddoonsiiya abaal marino loogu mahadnaqaayo.
Sidoo kale masuuliyiin Ka socotay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in Hormuud ay dalka ka shaqaalaysiisay kudhawaad soddon kun oo shaqaalle ah ayna samaysay ganacsiyo yar yar oo kor loogu qaadaayo horumarka shacabka.