Wararka
Shirkadda Duulimaddka ee Kenya Airways oo joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay Shiinaha.
Shirkadda Duulimaddka ee Kenya Airways ayaa joojisay duulimaadkii tooska ahaa ee ay ugu bixi jirtay magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha kadib faafida xowliga kusocota ee Fayraska Korona.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay shirkaddaan ayaa lagu sheegay in ay go’aankaan qaateen kadib markii ay tallooyin muhiim ah ka heleen wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya. waxaa ayna sheegeen “ka bilaabata maanta oo Jimcaha ah 31-da bisha Janaayo in aan wax duulimaad ah shirkadaan u aadi doonin magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha”
Horaantii asbuucaan ayay aheed markii ay shirkaddaan sheegtay in aysan joojin doonin duulimaadyada Tooska ah ee ay ku tagi jirtay dalka Shiinaha balse cabsida laga qabo Fayraska Korona ayaa gaaray meel sare iyadoo kiisas lala xeriirinaayo cudurkaasi laga helay dalka Kenya asbuucaan gudahiisa.
Shirkaddaan ayaa Duulimaad toos ah kaga bixi jirtay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya iyadoo seddex mar asbuuciba ka dagan jirtay magaalada Guangzhou.
Maalinimadii arbacada ayay shirkadda duulimaadyada ee Ingiriiska (British Airways ), joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay dalka Shiinaha kadib casbida fayraskaan Korona oo galaaftay noolasha 231 ruux iyadoo sidoo kale ay la xanuunsanayaan ku dhawaad 10,000 oo ruux adduunka oo dhan.