Wararka
Shirkada diyaaradaha ee ethiopian airlines oo sii deyneysa xog ku saabsan diyaaradii burburtay ee boeing 737 Max.
Warbixin hordhac ah oo ku saabsan diyaaraddii Itoobiya ee dhacday 10 bishii Maarso oo ay ku dhinteen157 ruux ayaa la shaacin doonaa dhawaan, sida uu wasiirka gaadiidku u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Balse wakhti go’an lama cayimin sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Cilad ay lahayd diyaaradda Boeing 737 Max ayaa lagu eedeeyay masiibada.
Wax yar ka dib markii ay diyaaraddu kacdayba waxay billawday in ay af af dhulka ugu soo hoobato.
War la dusiyay toddobaadkii hore ayaa sheegay in cilad ku timid diyaaradda ay sababtay burburka diyaaradda.
Cilad gashay hannaanka MCAS loo soo gaabiyo ee diyaaraduhu ku shaqeeyaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay mashaakilka diyaaraddii burburtay bishii Oktoobar ee ay lahay shirkadda diyaaradaha Lion Air ee dalka Indonesia laga leeyahay.
Shirkadda nooceedu yahay Boeing 737 Max ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka Jakarta, waxaana ku dhintay 189 ruux.
Dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX ee dunida oo dhan ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay qaraxday diyaaraddii Itoobiya.