Wararka
Shirka wareegga 1-aad ee qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad oo maanta ka furmay magaalada Kismaayo.
Shirkaan oo qayb ka ah wareegga 1-aad ee qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo,waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar kamida Agaasimayaasha wasaaradaha Jubbaland iyo mas’uuliyiinta wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo shirka soo qaban qaabisey.
Shirkaan ayaa uga duwanaa shirarkii hore ee looga hadalaayey qorshaha lagu hormarinayo Qaranka qodob diiradda lagu saarayay dhimista Fakhriga iyo Saboolnimada.
Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo shirka daah furay, ayaa sheegay in wareega 1-aad ee shirarka qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad ay si dar-darleh ku socdaan.
Xiriiriyaha Tiirarka qorshaha horumarinta Qaranka Siciid Maxamuud Axmed ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada uu leeyahay shirka oo qayb ka kulamada qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad ayaa sheegay in dhammaan Dowlad-goboleedyadu ay si wanaagsan uga qayb qaateen xaqiijinta hadafyada qorshaha 9-aad ee horumarinta Qaranka.