Wararka
Shirka waddamada G-7 oo maanta ka furmay dalka Faransiska.
Waxaa Maanta Magaala xeebedka Biarritz ee dalka Faransiiska ka furmay shirka waddamada qaniga ah ee G-7 waxaana kulanka xaadir ku ah dhamaan madaxda wadamada Britain, Canada, Germany, Italy, Japan iyo U.S.A.
Ka hor shirka inta uu furmin ayaa waxaa jiray kulama doceedya ay yeesheen madaxda shirka ka qayb galeyso waxaana kulamadaas kamid ahaa kulan dhexmaray madaxweynaha dalka Maraykanka iyo Ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska waxaa ayna kawada hadleen sidii uu Maraykanka uu suuq dhaqaale ugu furi lahaa Ingiriiska maadama Britain ay waddo qorsha ay ugu baxayso Midowga Yurub.
Shirkaan sanadlaha ah ayaa sidoo kale kusii aadaayo xili ay xiisad dagaal dhaqeele ay ka dhex jirto wadamada Shiinaha iyo Maraykanka iyo walaaca laga muujinaayo musiibada dabka ka kacay keeymaha Amazon ee dalka Brazil iyo waliba amuurta kabixista dalka Ingiriiska ee Midowga yurub.
Shirka ayaa socon doona seddex maalin waxaana diiradda lagu saari doonaa inta uu socda arrima ay kamid yihiin kobaca dhaqaalaha dalalkaan iyo arrimaha siyaasadda.