Wararka
Shirka Macadka Qorsheynta Dowladaha Carabta oo lagu soo gab-gabeeyay dalka Tunisia.
Shir sanadkiiba mar la qabto oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Tunis ee Caasimadda Dalka Tunisia ayaa looga hadlayay Macadka Qorsheynta Dowladaha Carabta ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay dalkaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Fahmo Axmed Nuur , oo shirkaasi ka qeyb gashay ayaa sheegtay in ay Dowladaha Carabta uga warbixisay howlaha adage e Dalka ka socda.
Marwo Fahmo, ayaa sidoo kale sheegat in ay si gaar ah diiradda u saartay diyaarinta qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka iyo hannaanka uu ku socda geedi socodka wada-tashiga iyo qoristiisa.
“Waxaan marka hore salaan diirran idinka wadaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan halkaan ka cadeeynaa in Soomaaliya dhibaato kala duwan ka dib hadda waxay mareysaa meel wanaagsan, waxay u baahan tahay Gacan siin oo ay ka mid tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Khibradda Dhallinyaradda Soomaaliyeed ee ka midka ah hay’addaha Dowladda”ayay tiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta.
Machadka qorseynta Dowladaha Carabta oo fadhigiisa yahay Dalka Kuwiet ayaa lagu tababaraa shaqaalaha Dowladdaha Carabta, si sare loogu qaado Khibradda iyo aqoonta ay ku shaqaynayaan.