Wararka
Shirka Khamiislaha ah ee Golaha wasiirada ee Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaaladaha Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Asiis Maxamed Xassam Lafta Gareen Ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xaaladaha kajira Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana Warbixino laga dhagasytay Qaar kamid ah wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isxaaq Calasoow ayaa golaha ugu warbixiyay xaaladaha amaanka ee deeganada Koonfur Galbeed waxaa uuna sheegay in ciidamada Daraawishta ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo ciidmada xoogga dalka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga.
Sidoo kale waxaa warbixinno laga dhagasytay guddiga fatahaadaha Koonfur Galbeed kuwaas oo ka warbixiyay saamaynta fatahaadaha ee deeganada dowlad goboleedkaasi.