Wararka

Shirka golaha xukuumada Puntland oo loga hadlay arrima quseeyo amniga.

Shirka Golaha Xukuumadda Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka qabsoomay caasimada Garoowe ee xarunta maamulkaasi Puntland.

Kulanka ay maanta golaha xukuumada Puntland yeesheen waxaa Shir-guddoominayey Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaana todobaadkan looga hadlay, Amniga dalka, Safarkii Madaxweyne Ku-xigeenka ee deegaanka Af-urur, Xaaladda Waddooyinka Puntland iyo Warbixino kale.

Intaas kadib kusimaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixino ka dhagaystay qaar kamida wasiirada xukuumada Puntland.

Golaha ayaa soo saaray bayaan ay ku sharaxayaan qodobadii maanta diirada ay ku saareen shirkooda asbuuclaha ah.
Haddaba hoos ka akhriso bayaankaas:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close