Wararka
Shirka golaha wasiiradda Puntland oo looga hadlay arrima dowr ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir Guddoomiyay kulanka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.
Intii uu socday Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Shirkii Dib-u-eegista Waxbarashada, Mashaariicda Horumarinta Degmada Qandala iyo Shirkii Degmooyinka ee ka qabsoomay Boosaaso.
Sidoo kale kulanka waxaa lagu ansixiyay xeerka Dugsiyada Qur’aanka, waxaana dib loo dhigay ansixinta Wacyigalinta Istaraajiyadda Wacyigalinta.