Wararka
Shirka Golaha wasiiradda oo Maanta lagu Magacaabay Taliyaasha Ciidamadda qalabka sida.
Waxaa Maanta magaalada Mugdisho ee caasimada dalka ka qabsoomay shirkii Golaha wasiirada dowlada Federaalka waxaana shirka golaha wasiiradda lagu magacaabay Taliyaasha Ciidamadda qalabka sida.
Taliyaasha maanta lagamacaabay ayaa kala ah; Taliyaha ciidank xoogga Gen Odawaa Yusuf Raage, Taliyaha nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka fahad Yasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Boliska Gen Cabdi Xasan Maxamed iyo Taliyaha Asluubta Gen Mahad Cabdirahmaan Adan.
Golaha Wasiirrada Oo Magacaabay Taliyaasha Difaaca, Nabad Sugidda, Booliiska Iyo Asluubta
Muqdisho, Arbaco, Agoosto 22, 2019—Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.
Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
—DHAMMAAD—-