Wararka
Shirka Golaha wasiiradda Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaladaha fatahaadaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya C/Casiis Xassan Mohamed Lafta-Gareen ayaa maanta Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay roobab ka da’ay Gobolada Koonfur Galbeed kuwaas oo dhaliyay fatahaado gaar ahaan deeganada Berdaale ee gobalka Bay.
Sidoo kale waxaa warbixin laga dhagaystay qaar kamid ah wasiiradda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay kamid yihiin Wasirka cafimadka iyo Maaliyadda.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixino ku aadan xaaladaha deeganada Berdaale ee gobalka Bay laga dhagaystay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka C/qadir Sheeq Cali.