Wararka
Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo qabsoomay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.
Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka iyo Xeerka Horumarinta Sanduuqa Dhallinyarada.