Wararka

Shirka Golaha wasiirada Puntland oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo ku qabsoomay Aalada maqalka iyo muuqaalka la isaga arko ee (Zoom).

Shirka Golaha Wasiirada waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Covid-19, Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland iyo nabadeynta beelaha.

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Puntland ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Amniga guud ee Puntland, iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug iyo qorshaha tayeynta ciidamada ee ka socda Gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Covid-19 ee Puntland, waxay Wasaaradu sheegtay in uu jiro hoos u dhac dhinaca kiisaska ah, Wasaaradda ayaa soo jeedisay in weli loo baahanyahay in ay sii jirto xaaladda feejignaanta ah oo bulshadu is illaaliso iyagoo raacaya talooyinka caafimaad.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa Golaha la wadaagtay diyaar-garowga ugu danbeeyay Imtixanaadka oo ardeydu u fariisan doonto subaxda sabtida 04 Luulyo 2020. Ardeyda Imtixaanka waxaa u fariisan doona 16,500 oo ardey, 5,447 ardey waa Dugsiga Sare halka 11,053 ardey ay u fariisan doonaan Imtixaanka fasalka 8-aad sida ay golaha la wadaagtay wasaaradda waxbarashada.

Imtixaanaadka ayaa lagu qaban doono 132 goobood oo ku yaalla deegaanada Puntland, waxaa dhinac socda taxadar ku saabsan cudurka covid-19, iyadoo la diyaariyey in ardeydu ay helaan qalabka ka hortaga covid-19 , dareeraha jeermiska dila iyo in lala socdo heerka xumadooda.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa dhankeeda Golaha la wadaagtay xaaladda caafimaad ee xoolaha Puntland, qorshayaasha hirgalay ee lagu talaalay xoolaha iyo in la diyaariyey gaadiid daawooyinka xoolaha ugu geeyo dhulka fogfog si loo hubiyo xaaladda caafimaad ee xoolaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Golaha la wadaagtay shirarka nabadeynta ee ka socda Galdogob iyo Cawsane-Sanaag, kuwaasi oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale waxay Wasaaraddu Golaha la wadaagtay in uu bilowmayo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee (JPLG).Image may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close