Wararka
Shirka Golaha wasiirada oo looga hadlay arrimaha ay kamid yihii Amniga Puntland.
Waxaa maanta Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka qabsoomay Shirka Golaha Xukuumadda dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Shirkaan oo uu goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Hindise Sharciyeedka Xeerka Dugsiyada Qur’aanka.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Fidinta Adeegyada Ganacsi iyo kordhinta Dakhliga, Bandhiga Qorshaha Warbaahinta ee Dowladda iyo qodobo kale waxaana markii uu kulanka soo dhamaaday warbaahinta ugu warbixiyay shirka looga hadlay Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jama Deperani.