Wararka
Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo lagu eedeeyay dowlada federalka.

Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland Ayaa maanta lagu qabtay magalada Kismayo ee caasimada kumeel gaarka dowlad goboleedka Jubaland waxanba shir godominayey madaxweyne ku xigeenka labaad ee mamaulkaasi Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud.
Shirka ayaa todobaadkaan waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, siyaasadda iyo xaaladda gobolka Gedo oo goluhu sheegay in faragilin qawan ay ku soo qaadey gobolkaasi dowlada fadaralka Soomaaliya.
Golaha wasiirada ayaa sidoo kale isla gartey in heegan buuxda la giliyo ciidamada Jubaland si ay uga hortagaan baa la yiri weeraro ay sheegeen in ay kaga imaanayaan dowlada dhaxe ee Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa ugu dembeyn ka warbixiyey kulanka.