Wararka

Shirka Golaha wasiiraada Jubbaland oo lagu cambaareeyay xariga wasiirka amniga Jubbaland.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u  ah dowlad goboleedka Jubbaland ka qabsoomay kulankii qamiis-laha ahaa ee golaha Wasiirrada dowlad Goboleedka Jubbaland waxaana kulnkaasi shir gudoomiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Galaha wasiiradda ayaa intii uu kulanka socday waxaa ay ka hadleen xaaladaha deeganada dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ayna taageereen dadaallada wasaaradda arrimaha Guddaha Jubbaaland oo ay sheegeen in ay wakhti badan ku bixisay sidii ay u xalin laheyd tabashootinkii ka dhashay doorashadii madaxtinimo iyo tiii Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhinaca kale, Golaha wasiiradda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cambaareeyay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur waxaa ayna sheegeen in Maxkamada Gobolka Banaadir ay cafisay dacwadii ka taalay wasiirka sidaasi darteetna  in wixii cawaaqib ah ee ka dhasha Falkaasi ay masuuliyadiisa qaadanayso Dowlada dhexe.

Ugu danbeyn, golaha wasiiradda Jubbaland ayaa ka hadlay Xayiraada dhinaca duulimaadyada oo ay Dowlada Federaalku kusoo rogtay maamulka Jubbaland waxaana howshaas iyo xariga wasiirka Amniga loo Xil saaray gudi ka kooban Todobo Wasaaradood.

Wasiirka Warfaafinta Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa warbaahinta u sharaxay qodobadii ugu muhiimsanaa Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland kasoo baxay.Image may contain: 1 person, sitting and beardImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 people, indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close