Wararka
Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug oo si habsami leh ugu socda Dhuusa-mareeb ka.
Waxaa maanta Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug si habsami leh ugu socda shirka dib-u-heshiisiinta beelaha wada dago Galmudug kaas oo sidoo kale maamul loo dhan yahay loogu samaynaayo Galmudug.
Furitaanka shirka ayaa waxaa aayadaha Quraanka iyo haddalo isxa-xuusinta Eebba u jeediyay Ergayda shirka ka qayb galaysi Sheekh Calinuur Cilmi ayaa Ergada sidoo kale waxaa iyaguna heeso waddaninimo ah madashaasi ka jeediyay Kooxda Waabere Galmudug.
Wasiirka arrimaha guddaha xukuumada federaalka Soomaaliya, xubnaha Guddiga Dib-u-Heshiisiinta Galmudug, aqoon yahanno iyo masuuliyiin kale ayaa iyaguna ku sugan howl-ka shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Guddoomiyaha guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo goobta hadal ka jeediyay ayaa Ergayda ka qayb galayso kulankaan ka raali galiyay hadal siintii intii lagu guda jiray furitaanka shirkaan oo uu ku sheegay in ay tabasha ka muujiyeen qaar kamid ah ergayda.
Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sidoo kale Ergayda ka codsaday in ay dulqaad muujiyaan inta lagu guda jiro kulnkaan dib u heshiisiinta ah waxaa uuna balan qaaday in ay dhamaan ergayda siin doonaan wakhti kufilan si ay u cabiraan aragtidooda ku aadan sidii maamulloo dhanyahay loogu dhisi lahaa Galmudug.